Weerar lala damacsanaa safaaradda Imaaraadka ee ITOOBIYA oo la fashiliyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay ugu yaraan illaa 15 qof oo ‘qorsheynayay’ in ay weeraraan dhismaha safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa, sida ay maanta shaacisay wakaaladda wararka ee wadankaasi Itoobiya.

Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hub, qaraxyo iyo dukumiintiyo, kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Itoobiya ayaa dadka la xiray ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin koox argagxiso shisheeye ah, islamarkaana ay doonayeen in ay weerar fuliyaan.

Sidoo kale bayaanka ayaa intaasi ku sii daraya in dowladdu ay ku raad joogto illaa 21 qof oo kale oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin arrintaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Imaaraadka Carabta oo ku aadan weerarkaasi la sheegay in lala damacsanaa diblomaasiyiintiisa.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in sirdoonka wadanka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay sidoo kale u suuragashay inay burburiyaan shabakad kooxo argagixiso ah, islamarkaana ay fashiliyeen weeraro kale oo lagu qaadi rabay safaaradda Imaaraadka ay ku leeyihiin wadanka Sudan.