Video + Sawirro: Mid ka mid ah beelaha ugu weyn Mudulood oo digniin u dirtay Kheyre iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta ay isku yimaadeen, Hoggaamiyayaasha dhqanka iyo dhammaan bulshada kale ee Besha Galmaax oo ka mid ah Beelaha Mudulood oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga hadlay habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee xukuumadda cusub ee magacaaban iyo masiirka Gobolka Banaadir oo loo tiriyo inay beeshaan degaan ahaan u leedahay.

Kulanka ka dib ayaa laga soo saaray baaq ku socday Madaxweynaha Dowladda Fedraalka  kaasi oo ay beeshu Ku sheegtay in Hoggaanka Gobolka Banaadir ay iyagu xaq u leeyihiin islamarkaana aanan la siyaasadeyn . Sidoo kale waxay ku sheegeen bayaankooda in lagu xaqiray saamiga qeybsiga ay ku leeyihin Xukuumada magacaaban .

Halkaan hoose ka aqrsiso bayaanka beesha ka soo baxay maanta

WAR SAXAAFADEED

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 ka Maarso 2017, waxaa magaalada Muqdisho shir weeyne wada tashi ah isugu yimid qaybaha ay ka koobantahay beesha Galmaax Yoonis kaasoo ay ka soo qaybgaleen odoyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Haweenka, iyo Dhallinyarada ay leedahay beesha. Shirkaan ayaa ujeedkiisa ahaa ka wada tashi ay qaybahaasi ka wada tashanayeen arrimo khuseeyo beesha sida siyaasadda dalka iyo deegaanka ay guud ahaan beeshu degto ee Banaadir, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud.

Hadaba, Beesha Galmaax Yoonis

Kadib markii ay aragtay habkii loo soo dhisay Golaha Xukuumadda Cusub ee Ra’isu wasaare Xasan Cali Kheyre ee ku dhisan sad bursiga xileed iyo istixgalin la’aanta

Ka dib markii ay beesha garwaaqsatay baahida loo qabo in laga jawaabo arrimaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ee aan ku haboonayn beeshaan ama meel ka dhaca ku ah

Ka dib markii ay beeshu adorostay ama saadaalisay mustaqbalka siyaasadeed ee Gobolka Banaadir,

Waxa ay beeshu u soo saartay si wadajir ah warsaxaafadeedkaan ay qodobadiisa hoos ku qoranyihiin;

  1. Beeshu waxa ay aad uga xuntahay in madaxda Qaranka Dalka gaar ahaan Madaxweynaha Dalka ay ka fuli wayso balanqaadayadiisii hogaamineed uu uu horay u sameeyay sida in ay doowladiisa cadaaladda ka sahqayn doonoto iyo dib u hishiisiinta ka dib markii Ra’isul wasaarahiisa Kheyre uu xaqiray saamigii siyaasadeed oo ay beeshu ku lahaan lahayd golaha wasiirada cusub, sidaasi darteed waxa ay beeshu guud ahaan ka soo horjeesatay gaashaankana u daruurtay golaha cusub ee xukuumadda
  2. Waxa ay beeshu ugu baaqaysaa maamul goboleedyada dalka sida Hirshabeele iyo Koofurgalbeed in ay si deg deg ah meel u saaraan saamiyadii siyaasadeed iyo deegaanba ay beeshu ku leedahay maamuladaasi maadaama a jiraan tabashooyin ay ka qabto wax qaybsiga kuraasta ay beeshu ku lahaan lahayd maamuladaasi gaar ahaan goloyaasha Wasiirada
  3. Beeshu waxa ay si xooggan uga soo horjeedaa wax kama jiraana ku tilmamaysaa kulankii ka dhacay guriga Nabadoon Maxamed Yuusuf ee lagu sheegay in beesha Mudulood ku taageertay xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Kheyre, sidaas darteed waxa ay beeshu halkaan ka cadeeynaysaa in aan loo dhamayn kulankaasi aysan jirina in beeshu ay taageertay xukuumadda Kheyre taasina waxaa cadayn u ah in shirkaasi ay ka maqanaayeen duubakii dhaqanka ee deegaanka sida Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Malaaq Cali Malaaq Maxamed iyo Xildhibaanada Muduullod ee heer Qaran. Beeshu waxa ay sidoo kale canbaaraynaysaa hadalkii ka soo yeeray Nabadoon Maxamed Yuusuf ee uu ku sheegatay in uu yahay Boqorka Deegaanka taaso ah maqaamka dhaqameed ee uu leeyahay duubka Xamar iyo Xamar daye.
  4. Beeshu waxa ay ku adkaynaysaa ogaysiinaysaane madaxda dalka sida Madaxweyne Farmaajo in Kursiga guddoomiyanimo ee Gobolka Banaadir uusan noqon Karin mid saami siyaasadeed loogu xisaabtamo ee galaya tartan beelo balse uu yahay mid ku asataysan Deegaan oo ay kaliye xaq u leeyihiin dadka Deegaanka asalka u ah ee Beesha Galmaax si lamid ah gobolada kale ee dalka.
  5. Waxa ay beelwaynta Galmaax Yoonis mar kale ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya in ay u tixgaliyaan la tashina ka galiyaan arrimaha khseeya dhaqanka beesha Duubka Deegaanka ee ah Malaaq Cali Malaaq Maxamed iyo Duubaka kale ee Beesha

GUNAANAD

Beeshu sidii ay waligeedba ahaan jirtay, waxa ay ka hor balanqaadaysaa Doowladda iyo shacabka soomaaliyeedba in ay ka qayb tahay dadaal walba ee sharafkii dalka dib loogu soo celinayo kuna bixinaysaa wax walba ee lagu gaari karo.

WABILAAHI-TOOWFIIQ!

BEESHA GALMAAX YOONIS