Video: Ugaaska Gaaljecel oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan, fariin u diray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaad Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed ayaa taageero ballaaran u muujiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoona luuqad adag kula hadlay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay soo baxday in uu rabo in la baabi’iyo kiiska Ikraan oo galaaftay Fahad Yaasiin.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uusan hal maalin ka hadlin inta ay maqan tahay Gabadhooda Ikraan, islamarkaana uu diiday in uu qaabilo qoyska iyo ehelladeed oo uu qeyb ka yahay Ugaaska.

“Haddii xaqii dhinac ka dilaacay, Ilaahay ayaa dilaaciyey xaqa, maanta howshii oo meel fiican mareysa sida hore loo sheegay waxba maalin ka qaban (Farmaajo) uu hadda hor-istaago, waxaa leeyahay madaxweyne arrintaas kuguma haboona,” ayuu yiri

“Sida naloo sheegayo waxa uu madaxweynaha ka shaqeynaya in uu rabo in uu duugo dhibka ku dhacay gabadheena, warkaas si sir ah ayuu noo soo gaaray. Waxaa leenahay madaxweyne gabadha maqan waxay lamid tahay gabdhaha aad dashay, waxaa leenahay kiiskaas waxay sharaftaada ku jirtaa in cadaalada ka abaarto.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku dhaliilay in uusan mas’uuliyadiisa ku aadan kiiskaas uusan gudan, islamarkaana ay hadda u baahan yihiin in maxkamad la soo taago cidda ka dambeysay arrintaas.

“Ra’iisul wasaarihii wuu dadaalay in aad hor-istaagto kuguma haboona ee madaxweyne arrintaas ha sameyn, waxaa mar labaad u sheegaya Ra’iisul wasaaraha qodxo badan ayaa iman doona in uusan u istaagin oo anaga aan garab taaganahay cid walba oo damaceedu yahay in kiiskaas duugta uusan dhageysan oo sharaftiisa ka weyne.”

Ugu dambeyntiina waxa uu raali-gelin ka bixiyey dhalinyaro ku beel ah Ikraan oo falal afduub ah oo aargudasho ah ka sameysay magaalada Beledweyne, isagoona u mahad-celiyay dadkii ka qeyb qaatay sii deynta dadkaas.

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska