Kulan VILLA SOMALIA uga socda Rooble iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda wuxuu kulan uga socdaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ah dhammaan taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha ku-meel gaarka ah ee Hay’adda NISA Bashiir Goobe, oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey, iyadoo la filayo inuu kusoo biiro guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Farmaajo iyo Rooble ayaa laga dhex wadaa waan-waan ku aadan sidii loo soo dhammeyn lahaa khilaafka ka dhashay shaqo ka joojintii lagu sameeyey agaasimihii hore ee Hay’ada NISA, Fahad Yaasiin.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu kasoo dabcay mowqifkiisii hore, islamarkaana uu diyaar u ahay inuu aqbalo shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin.

Qodobka ay hadda labada mas’uul isku hayaan ayaa ah in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana la joojiyo amarkii uu Rooble ku bixiyey in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay baaritaan deg-deg ah ku sameyso kiiskan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanyo inaan la joojin karin kiiska Ikraan Tahliil, oo ah midkii keenay shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin, lamana qiyaasi karo nooca go’aanka ay gaari karaan labada mas’uul.

Marka uu dhammaado kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la filayaa in Rooble iyo taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA ay tagaan xarunta Hay’adda si shaqada loogu wareejiyo agaasimaha cusub.

Wixii kusoo korha kulanka waxaad kala socon doontaan wararkeen dambe, Inshaa Allah.