Xog: Farmaajo oo shuruud yaab leh ku xiray aqbalaadda xil ka-qaadista Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shuruud adag oo yaab leh ku xiray aqbalaadda xil ka-qaadistii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sameeyey agaasimihii Hay’adda Nabad-Sugidda, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Farmaajo ayaa aqbalaada xil ka-qaadista Fahad Yaasiin ku xiray in la baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil iyo baarista la amray inay sameyso maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Farmaajo ayaa shuruudan usoo dhiibay xubno dhex-dhexaadin ka dhex waday isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdweli Muudey, oo shalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa kale ooo lasoo sheegayaa in arrintaan uu si weyn uga horyimid Ra’iisul Wasaare Rooble, oo ballan-qaaday caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil oo lagu tuhunsan yahay hoggaankii NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha dhex-dhexaadinta wado u sheegay inaysan suurtagal aheyn inuu ka leexo jidka uu cadaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax kasoo sabab u ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, shuruudda uu madaxweyne Farmaajo soo bandhigay ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijisay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo sheegtay in Farmaajo dhigga Ikraan uu kala fiican yahay saaxiibkiis Fahad.

“Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan ku ekaan waraaqdii uu soo saaray, wuxuu bilaabay inuu shuruud uga dhigo aqbalaalada xil ka qaadista Fahad Yaasiin in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahlil, ummadda Soomaaliyeed ha arkaan madaxweynihii afarta sano soo maamulayey sida uu sameenayo, Ikraan dhiigeeda waxaa kala fiican nin saaxiibkiis ah,” ayey tiri Xildhibaan Aamina.

Xildhibaan Aamin Maxamed ayaa Rooble uga digtay inuu aqbalo shuruudda Farmaajo, islamarkaana waxay ugu baaqday inuu sii wado caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo ku maqan gacanta hey’adda NISA.

Farmaajo ayaa u muuqda hadda inuu kasoo dabcay go’aankii uu ku diiday xil ka qaadistii Fahad Yaasiin, waxaana muuqato inuu Farmaajo doonayo in ugu yaraan la damiyo kiiska Ikraan, taasi oo haddii ay dhacdo dhaawici karta Ra’ii sul Wasaare Rooble oo horey qoyska Ikraan iyo umadda Soomaaliyeed u ballan qaaday caddaalad u raadinta kiiskaan.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Aamina