Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde, ayaa ku faanay in ciidamada maamulkiisa ay awoodaan inay qabsadaan Xamar, balse aysan dooneyn inay sidaas sameeyaan.
Waran-Cadde oo Hargeysa ka hadlayey, waxa uu sheegay in Somaliland ay mar walba ixtiraameyso xuduudahii uu gumeysigu dhigay, sidaas darteedna aysan cidna ku duuleyn.
“Haddii aan dooneyno inaan Somalia waxyeelno, xitaa inaan Xamar dib u qabsanno waa awoodnaa, balse ma dooneyno” ayuu ku faanay Waran-Cadde oo kadib ay u sacabo tumeen dadkii dhageysaney.
Halkan ka daawo Waran-Cadde
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

