Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa waxay caawa awaamiir ka soo saareen Golihii Wasiirada ee Xukuumadii Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxayna awaamiirtu la xiriirtaa inaysan dalka ka bixi karin, ilaa iyo inta ay xilalka ka wareejinayaan.
Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Madaxa Hanti Dhowrka Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax, ayaa qoraal ay ku wada saxiixan yihiin caawa ku sheegay, inaysan Wasiiradu ka dhoofi karin dalka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in laga cararaayo in ku takri fal awoodeed la sameeyo, xilli ay xaalado adag ka jiraan dalka.
Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxaa lagu wargeliyay inaanay Wasiiradu, Ku Xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaashuba ka dhoofi karin dalka, ilaama ay xil wareejin ka sameynayaan.


