Video: Xildhibaan Runsheeg iyo Cabdixakiin oo hadallo kulul isku dhaafsaday arrin la xiriirta guryaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii shalay xildhibaanada golaha shacabka la hor geeyey guddiyada adeegga garsoorka iyo la dagaalanka musuq maasuqa ayaa hadal jeedintii xildhibaanada waxaa ka dhalatay dood adag oo dhex martay Xildhibaan Maxamuud Axmed Runsheeg iyo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Ugu horeyn Xildhibaan Maxamuud Axmed Runsheeg ayaa sheegay in xubnaha maanta la ansixiyey hadii lagu biiriyo hey’adaha adeega garsoorka ay cadaaladdu soo hagaagi doonto.

“Waxaa jira in markii lagu kala cararay magaaladaan Xamar, dadkii ku lahaa guryaha inay ka carareen, maantana qofkii lahaa markii uu soo istaagay ee uu dacwooday loo xukumay, laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ah in warqadda xukunka mar kasta gadaal laga raacinayo ‘racfaan ayaa kuu furan’ taas oo dacwadda ka dhigeysa mid aan weligeed dhamaan,” ayuu yiri Xildhibaan Runsheeg.

Xildhibaanka oo sii hadalayey ayaa yiri, “Waxaan goobjoog ahaa iyadoo dad aan wax sharciya wadan oo warqado faaliso ah wata ay racfaan qaadanayaan, maxkamadda sare markii uu kiisku u gudbana aan dadka dacwoonaya laga qabaneyn, dad waxaan aqaanaa 12-sano dacwad wada laguna dhageysto maxkamadaha dalka.”

“Qaadiyaasha waxaa la yiri waa madax banaantihiin, waxayna xukunadooda ku ridaan shilimaad yar oo ay qaateen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Maxamuud Axmed Runsheeg.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo goobta ka jeediyey hadal ka xanaajiyey Xildhibaan Runsheeg oo hadalka uga horeeyey.

Xildhibaan Cabdixakiin ayaa sheegay in dadka uu sheegay Xildhibaan Runsheeg ee mudada dheer ka maqnaa guryahooda ay qaarkood wataan farsamo kale oo guryaha laba jeer ay ku gadanayaan.

“Qoladii 30-ka sano guryaha laga heystay ayaa hadda la yimid farsamo kale oo marna gadaya rasiidkii guryaha, marna iibsanaya sabar-loogii guryaha, marka wax badan ayaa cadaaladda iyo maxkmadaha in la saxo u baahan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Hadalkaas waxaa ka carooday Xildhibaan Runsheeg waxaana kulanka ka bilaawday buuq iyo sawaxan, iyadoo mar kale uu Xildhibaan Runsheeg soo istaagay si uu ugu jawaabo Xildhibaan Cabdixakiin.

“Guddoomiye inta uusan ka tegin halkan Xildhibaan Cabdixakiin, waxaa lagaa rabay inaad dhahdo raali gelin bixi, sababtoo ah waxa uu u gefay dad Soomaaliyeed oo guryahooda ka qaxay, lagana heysto, balse hadii uu raali gelin bixin waayo, walaalkiis ayaa bixi doona,” ayuu yiri Xildhibaan Runsheeg.

Hoos ka Daawo dooda labada xildhibaan