Video: Xukuumadda oo ka warbixisay shirkii maanta, sheegtayna haddi qodobada qaar wax laga beddelayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd ka warbixiyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay Golaha Wada-tashiga Qaran iyo qoddobadii looga hadlay.

Afhayeenka ayaa ugu horeyntii sheegay in shirka maalintiisi koowaad ay soo gaba-gabowday, kaasi oo looga hadlay waxyaabihii qabsoomay mudadii bisha aheyd ee hanaanka doorashada iyo heshiiskii 27-kii May.

Shirka maanta oo uu shir-guddoominayay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo guddiga farsamada ee uu hore u magacaabay Rooble la faray in berri Golaha keenaan qorshahooda ku aadan doorashada.

Afhayeenka ayaa waxa kale oo uu beeniyay in qoddobada qaar laga bedelayo heshiiskii ay hore u saxiixeen ra’iisal wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada, midaasi oo si weyn loo hadal hayey maalmihii la soo dhaafay.

“Guud ahaan waxaa laga wada-hadlay arrimo la xiriira shirkan iyo shirkii 27-kii May, majirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May, wararka qaarkood ee ay dadka sheegayaan ee la isla dhexmarayo wax ka jira majiraan,” ayuu yiri Afhayeenka.

Heshiiskii 27-kii May ay madaxda ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana baxday in ka badan 30-maalmood, taasi oo meesha ka saari karta suurta-galnimada in doorashada ku qabsoomto mudadaas.