Tigrayga oo dib u qabsaday caasimadda MEKELE iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed oo ka cararay

Mekele (Caasimada Online) – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa isaga carartay magaalada caasimadda ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay gudaha u soo galeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan.

Xooggaga falaagada Tigray ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen guud ahaan magaalada Mekelle saacado kadib markii ciidammada dowladda federaalka ay isaga huleeleen magaaladaas, kadib xabbad joojin hal dhinac ah oo ay maanta dowladda Addis Ababa ku dhawaaqday.

“Caasimadda Tigray ee Mekelle, gacanteena ayay ku jirtaa”,ayuu yiri Getachew Reda oo ah afhayeen u hadlay falaagada TPLF, xilli uu u waramayey wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sideedda bilood ka socda gobolkaas, iyo guul-darro siyaasadeed oo soo wajahday Abiy Ahmed.

Mucaaradka oo la baxay Ciidamada Difaaca Tigray. Tigray Defence Forces (TDF), ayaa toddobaadkii tegay billaabay weerar culus ayaga oo kusoo beegay doorashooyinka ka billowday dalka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in maamulka uu go’aansaday inuu ka cararo caasimadda Mekele, kadib markii ciidamada TDF ay kaga soo dhowaadeen “dhinac kasta.”

“Qof kasta waa uu cararay. Kii ugu dambeeyey galabta ayuu ka baxay. Gobolka ma lahan wax dowlad ah iminka,” ayuu yiri. 

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan hay’adaha bani’aadannimada oo ku sugan caasimadda ayaa xaqiijiyey in dowladda ay ka carartay halkaas.

“Saraakiisha ku-meel-gaarka ah waxay carareen saaka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adahaas oo isna codsaday inaan la magacaabin.

Goobjoogeyaal dhowr ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada federaalka iyo booliska ay sidoo kale ka carareen Mekele, waxaana lagu warramayaa in rasaas dabaal deg ah laga maqlayo magaalada.

Hey’adda UNCIEF waxay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ku eedeysay in qalabkeedii Mekelle u yaalay burburiyeen, taas oo xad gudub weyn ku ah sharciga Qaramada Midoobe ee ilaalinta xuquuqda shaqaalaha gargaarka.

Xafiiska Abiy Ahmed ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Kahor inta aysan gobolka ka cararin, dowladda ayaa ku baaqday xabad-joojin, ayada oo sheegtay in ciidamada federaalka ee taageersan Abiy Ahmed ay ka baxayaan gobolka. 

Maalmihii dhowaa ayaa dagaal xooggan wuxuu ka socday gobolka, ayada oo ciidamada Tigray ay soo qabsadeen deegaano badan kuna soo siqeen magaalada caasimadda ah ee Mekele. 

Madaxda dowladda carartay Abraham Belay ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in magaalada ay kusoo socdaan ciidamada Tigray.

Naga filo, faah-faahin dheeri ah goor dhow, Insha Allah.