Al-Shabaab oo dilay 16-qof, kadib markii 21-nin ay ka toogatay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bay waxay ku toogteen ugu yaraan 16-qof oo ay ku eedeeyeen in dhamaantood ay sirdoon u aheeyeen Dowladda Soomaaliya Mareykanka iyo AMISOM.

Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ah iyo deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Bay ayaa lagu kala dilay dadkaas.

10 ka mid ah 16-kaas qof waxaa la toogtay gelinkii dambe ee maanta, waxaana 5 ka mid ah lagu toogtay fageere ku yaalla deegaanka Buula-Fulaay ee gobolka Bay, halka 5-ta kale lagu toogtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxayna 10-ka qof ee maanta la toogtay dhamaantood ahaayeen Rag.

Shalay ayaa sidaan oo kale fageere ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose waxay Al-Shabaab ugu toogteen 6-qof, waxayna tirada guud ee dadka saacadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab toogteen gaareysaa 16-qof.

Dadka ay shalay ku toogteen Saakow waxaa ku jirtay gabar lagu magacaabi jiray Fartuun Cumar Abkow, waxayna dhammaan dadkaas ku soo eedeeyeen inay ahaayeen sirdoon u kala shaqeeya Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo AMISOM.

Dil wadareedkaan ay Al-Shabaab ka geysteen deegaanadan dhaca koonfurta Soomaaliya waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo shalay dowlad goboleedka Puntland uu dil toogasho ah ku fuliyey 21-nin oo ka tirsanaa jiray Al-Shabaab, kuwaas oo maxakamadaha Puntland ay horay u xukumeen.

18 ka mid ah ragaas waxaa lagu toogtay Gaalkacyo, laba kamid ah waxaa lagu toogtay Garowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay nin kale, raggaas badankood waxay muuqaallo la soo bandhigay ku qirteen in 13-kii sano ee lasoo dhafay ay dadka ku dili jireen magaalooyin ay ugu horeyso Gaalkacyo.

Dalalka saacadihii lasoo dhaafay ay 16-ka qof ku fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dadka qaar ku macneeyeen aar gudasho iyo inay ka caroodeen raggaas ka tirsanaa ee Puntland ay laysay, balse waxaa xusid mudan in kooxda Al-Shabaab deegaanada ay ka maamusho dalka mar kasta ka fuliso dilalka dad ay ku eedeeyaan basaasnimo, gogol-dhaf, xatooyo iyo waxyaabo kale.