Xog: Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka maanta Muqdisho ka furmay ku diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo qodob ka mid ah heshiiska doorashada oo la xiriira deegaan doorashada.

Labadan madaxweyne goboleeda ayaa doonayey in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey.

Diidmada Rooble, ayaa waxaa si dadban sidoo kale maanta u xaqiijiyey afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu oo yiri “Ma jirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May.”