Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah doorashadii Somaliland ee la gudbiyey?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay isa-soo tarayay cabasho xoogan oo ka dhalatay doorashadii Somaliland ka dhacday 31-kii May, taasi oo qaar kamid ah musharaxiintii ka qeyb-galay ay sheegen in la musuq-maasuqay.

Musharaxiin kamid ah kuwa cabashada ka qaba doorashadaas oo ka sharaxnaa xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa waxay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sarre ee Somaliland, maadama ay ku doodayaan in la dhacay codadkoodii oo la musuqay.

Musharaxiinta maxkamadda u gudbiyey dacwada ayaa warbaahinta u sheegay “in codadkii ay heleen lagu soo saaray musharaxiin kale oo cid gaar ah ay wadatay”, iyagoona xusay in arrintaas ay cadeymo u hayaan.

“Musharixiinta halkan fadhiyaa waxay ka kooban yihiin labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid, dhammaan waxay yihiin musharixiintii labada Xisbi Mucaarad oo codkoodi si xaq daro ah u boobeen, iyaga iyo Komishankuba, waxaan caqliga iyo maankuba yeelayn in dadweynaha ku nool Hawd iyo Hargeysa tiro ahaana ah dad soo saari kara Musharixiintooda,” ayuu yiir Dr. Ciise Kayd oo kamid ah Musharaxiinta dacwada gudbiyey.

“Waxaa nasiib-daro ah in dadka leh misaankaas in labada Xisbi Mucaarad iyo Komishanku codadkii musharixiinta ay ku soo saareen dad iyagu jeebada ku siteen, oo doorashada ka hor sii calamaydaysteen, inay codadkayagii ku soo saareen.”

“Waxaan hayaa anigu in ka badan 800 goobood oo cod iga yimid, waxaan hayaa in ka badan boqol goobood, oo cod iga iman lahaa oo siro la ii soo qoray, waxaan hayaa waraaqihii caddaynta ahaa ee goobahaas eberka la iiga soo qoray, inaan tiro ku lahaa, waxaan lahaa markhaatiyaal aan Xisbiga Waddani ahayn oo ii caddayn doona maalinta ay Maxkamaddu furanto.”

Si kastaba, doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland ayaa aheyd mid isku sidkan oo lagu dooranayay mudaneyaasha golaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof.