Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan kuwa sugan Muqdisho ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada hoggaamiye waxa ay diirada ku saareen xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay iyo fulinta heshiiska 27-kii May laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, kaas oo muhiim u ah doorashada soo socota.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku saabsan labada maamul iyo wada-shaqeyntooda.

Waxa uu kulankan sidoo kale kusoo aadayaa, iyada oo haatan caasimada uu ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana goob jooga ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha maamulka HirShabelle oo shirka uga qeyb-galayo Aaladda Zoom-ka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ku jira heshiiska doorashooyinka wax laga bedalayo, sida in la yareeyo tirada ergada soo dooraneyso xildhibaanada iyo in la koobo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka, haddii ay isku fahmaan golaha.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad kala guur ah, waxaana haatan isku diyaarineysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.