Muxuu yahay mashruuca culus ee uu wado Erdogan ee walaaca laga muujiyey?

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashquulka badan ee ku yaala gacanka magaalada Istanbul wuxuu dhawaan xarigga ka jaray mashruuca kanaal looga dhisayo magaaladaas.

Erdogan ayaa mashruucaan oo uu ku baxayo 15 bilyan oo dollar, laguna magacaabo Canal istanbul, ku sheegay inuu yahay mashruuc han weyn laga leeyahay islamarkaana ah mid ka shaqeenayo danaha shacabka Reer Turki.

“Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istanbul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay xafladda xarig jarka mashruucaas.

Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 kilo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus.

Mashruucaan ayaa wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad lix sano sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga, balse wuxuu mashruucaan la kulmay dhaleeceyn tiro badan oo ka imaaneyso qeybaha kala duwan ee Bulshada dowladdaas iyo hey’adaha kala duwan.

Dadka dhaleeceynta usoo jeediyey mashruucaan ayaa sabab uga dhigay inuu dhibaato ku yeelan doono deegaanka, sidoo kalaa waxay ku tilmaameyn inuu yahay mashruuc waali ah oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo Biyaha.

Sidoo kale dhaleeceynta loo soo jeediyey mashruucaan waxaa kamid ah inuu ku kacayo lacag aad u badan taasna ay keeni karto in deymo badan uu soo amaahdo Turkiga.

Dooda looga soo horjeedo mashruucaan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu yalis weyn ku yahay noolaha badda, halka uu halis gelin karo biyaha macaan oo ay hadda helaan dadweynaha reer Turki.

Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah.