Sawirro: Haamo Kiimiko laga soo buuxiyay oo ku caariyay xeebta degmada Cadale

Cadale (Caasimada Online) – Haamo sumeysan ayaa kusoo caariyey xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Shacabka ah ee halkaas dagan.

Sida dadka halkaas dagan ay u xaqiijyeen Caasimadda Online, goobaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa kamid ah ah hareeraha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Haamaha la arkay ayaa gaarayo illaa 3 Haan oo waaweyn kuwaas oo afka xiran, waxayna dadka deegaanka sheegeyn in ay sun ka buuxdo.

Dadka dagan meelaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa lasoo daristay cabsi weyn, maadaama laga cabsi qabo inay dilaacaan iyadoo xusid mudan tahay in dadkaas aysan laheyn aqoon ay uga gaashaantaan walxaha kiimimada ah.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa wasaqda iyo kiimikada kusoo daadiyo dowlado badan tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soomaray Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa lagu eedeeyey inay heshiis u saxiixeen dowlado shisheeye si ay xeebaha Soomaaliya ugu soo daadiyaan haraaga kiimikada loo isticmaalo warshadaha iyo hubka casriga.