Maxaa ka dhacay gobolka Tigray kadib markii ay dib u qabsadeen ciidamada TDF?

Mekele (Caasimada Online) – Dabaal-dagyo waa weyn ayaa xalay illaa saaka ka socday magaalada Mekele ee caasimadda maamulka Tigray ee dalka Ethiopia, kadib markii ay halkaas dib u qabsadeen ciidamada qowmiyadda Tigray, lagana saaray maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy Ahmed iyo ciidamadiisa.

“Ciidamada difaaca Tigray ee TDF ayaa si buuxda ula wareegay magaalada. Indhaheyga ayaan ku arkay, way soo galeen,” waxaa sidaas yiri xubin ka mid ah maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy ee laga eryey.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada TDF ay ku yimaadeen baabuurta xamuulka iyo kuwa yar yar oo tiro badan. 

Soo gelitaankooda magaalada ayaa dhaliyey dabaal-degyo xooggan, waxayna askarta kor u ridayeen rasaas halka ay shacabkuna isugu soo baxeen waddooyinka ayaga oo wata calanka Tigray. 

“Magaalada waa ay dabaal-degeysa, qof walba waa uu qoob ka cayaarayaa,” ayuu yiri xubin ka mid ah maamulka ku-meel-gaarka ah.

“Dadka oo dhan ayaa faraxsan, music ayaa waddooyinka lagu garaacayaa. Sidoo kale waxay dadka oo dhan ridayaan buleer, mana qaaan sida ay ku heleen,” waxaa isna sidaas u sheegay AFP, qof ka mid ah dadka deegaanka. 

Maamulka ku-meel gaarka ah ee uu Abiy halkaas ka dhisay ayaa magaalada ka cararay Isniintii markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada mucaaradka.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii federaalka iyo booliska ee Addis Ababa raacsanaa ay ka baxeen magaalada.

Dalalka Mareykanka, Ireland iyo UK ayaa Isniintii ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka QM uu ka yeelanayo xaaladda gobolka Tigray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP.