Sanyare: Dadka mad-madow waa dad kharriban waxaa liibaanay dadka cad-cad

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu doortay maamulka degmada Jariiban ee gobolkaasi ayaa waxa uu ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Sanyare ayaa khudbaddiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira nolosha bulshada, sida bixinta canshuuraha, xoojinta amniga iyo horurmarka deegaanadaasi.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyey shacabka ku dhaqan Jariiban in aysan sugin wax la siiyo, balse looga baahan yahay inay iyagu wax qabsadaan, ayna bixiyaan canshuurta maamulka.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa tusaale yaab leh usoo qaatay dadka mad-madow iyo kuwa cad-cad, isaga oo kala jeedo dadka ku nool qaaradda Afrika iyo kuwa cadaanka ee qaaradaha kale, sida Yurub, wuxuuna tilmaamay in marka is-bar bar dhig lagu sameeyo ay horumarka & wax soo saarka ay ku horeeyaan dadka cadaanka ah.

“Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn gudoomiye Cabdiladiif Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Jariiban inay si dhow u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo doortay degmadaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo deegaanada Puntland ay ka jiraan cabasho xoogan oo bulshada ay ka muujineyso lacagaha canshuuraha & sicir barar ka jira deeganada qaar.