Xog: Qodob xasaasi ah oo la doonayo in isbeddel loogu sameeyo shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow shirka ka socda Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay inuu socdo isku day lagu yareynayo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada goolaha shacabka.

Sida aan xogta ku helnay, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in ergooyinka lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii laga gaaray doorashada ee la saxiixay 27-kii May.

“Madax goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in maaliyad ahaan, iyo farsamo ahaan intaba ay ku adag tahay in halkii xildhibaanba ay soo doortaan 101 ergo, taasi oo ka dhigan kumanaan ergo,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Qodobkan ayaa u muuqda mid ay inta badan ka mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada, marka loo eego qodobadii kale ee shirka la horkeenay oo mid ka mid ah durbaba la diiday, kaasi oo la xiriiray deegaan doorashada. 

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey.