FAARAX Macallin oo dhaliil culus u jeediyey DF – Maxaa iska beddalay mowqifkiisa?

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macalin Dawaar oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dib usoo celinta xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Faarax Macalin ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in aan lagu deg-degin go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Kenya, haddii aysan ku adkeysan karin.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay in haatan dib loo soo celiyo xiriirkaasi, isaga oo ku tilmaamay inay tahay arrin nasiib darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weli ay taagan yihiin eedaha ay Soomaaliya ka tirsaneysay Kenya, wuxuuna intaa ku daray inay sharaf dhac ku tahay arrintan dadka ka shaqeynaya soo celinta xiriirka.

“Shalay adoo goysay xaaladdii aad ka andacootana aysan waxba iska bedalin, bal ay ka sii ballaaran tahay, hadane in maanta aad ku baryooto in adiga aad soo celiso waa nasiib xumo weeyaan,”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka wadanka Kenya.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay weli Kenya faro-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay socdaalkii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tegay magaalada Nairobi i iyo sidoo kale kulmada mucaaradka ay ku yeeshaan dalkaasi.

“Faro-gelinta waxaa ka mid ah Somaliland waa Muuse Biixi oo inta imaaday, Axmed Madoobe, Deni iyo mucaaradka oo dhan oo si joogto ah inta loogu hayo, si loogu adeegto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya.

Hadalka Faarax Macalin iyo eedeyntiisa ka dhanka ah dowlada Soomaaliya ayaa dad fara badan la yaaab ku noqday, maadaama uu siyaasigan ka mid ahaa dadka sida aadka ah u taageersanaa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.