Villa Somalia o beenisay arrin la sheegay inay qorsheyneyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Villa Somalia, Cabdikariin Cali Kaar ayaa markii u horeysay beeniyay in Madaxtooyada ay qoraneyso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca madaxweyne Xasan, taasi oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Cabdikariin oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa arrintaas ku tilmaamay inay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee Villa Somalia.

Hadalka Afhayeenka ayaa meesha ka saaraya warar si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaasi oo sheegayay inay Madaxtooyada qoraneyso ama qoratay dhalinyaro difaaca Madaxweyne Xasan, sidii madaxweynihii ka horeeyay oo kale.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay dhaqaale badan ku bixin jiray dhalinyaro ka difaacda baraha bulshada, una faafisay dacaayado ka dhan ah siyaasiyiinta ay is-hayeen, kaasi oo laga cabsi qabay in uu noqdo jid furtay oo madaxda dambe qaadi doonto.

Hase yeeshe Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ololihiisi guuleystay ku galay inuusan cidna bartilmaameedsan doonin, waxkastana hore looga socon doono ayaa meesha ka saaray dhaqanka noocaas ah.