Villa Somalia oo gashay jawi saxmad leh iyo xulashada wasiirada oo la isku fahmi la’ yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ayaa saacadihii ugu danbeeyay gashay jawi saxmad leh oo lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa iminka ku sugan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kuwaa oo doonaaya in Golaha la magacaabi doono ay ka helaan Wasaaradaha u qalma.

Odayaasha qaar ayaa ku dhagan Wasaaradaha ugu tayada badan, halka Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaruhuba ay doonayaan in Odayaasha ay ku qanciyaan Wasaarado kala duwan.

Wasaaradaha ugu badan ee safka loogu jiro ayaa kala ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, Amniga, Dibadda, Maaliyada iyo Dastuurka oo la rumeysan yahay inay ka tayo badan yihiin Wasaaradaha kale.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada dadaalo lagu xalinaayo Wasaaradaha leysku heysto, waxaana lasoo sheegayaa in muran uu ka taagan yahay hanaanka loo qeybinaayo Wasaaradahaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, ayaa isna ku dadaalaaya in Odayaasha Beelaha uu ka dhaadhiciyo Wasaaradaha ay ugu tallo galeen ka hor inta aan lagu dhawaaqin Golaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishom
caasimada@live.com