Villa Somalia oo ka gubatay kana jawaabtay qoraal kasoo baxay gabdhaha LeadNow!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhibsatay, kana jawaabtay war-saxaafadeed kasoo baxay ururka gabdhaha Soomaaliyeed ee LeadNow! (Hoggami Hadda), oo ku saabsana burburkii ku yimid wada-hadallada Afisyoone ee Muqdisho.

Ururka LeadNow!, oo ka mid ah bulshada rayidka, ayaa ka shaqeeya sare u qaadista ka qeyb-galka haweenka ee siyaasadda.

War-saxaafadeedka LeadNow! ayaa welwal xoog leh looga muujiyey xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan khilaafka hareeyey arrimaha doorashada iyo wadahadalladii u socday madaxda oo hadda joogsaday.

“LeadNow! wuxuu aad uga xunyahay in Dowladda Federaalku ay ku dhawaaqdo inuu burburay shirkii hor dhaca ahaa ee u socday Madaxda Dowladda Federalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DF ee ka socday xarunta Afisyooni, iyadoo dhanka kale Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in aysan ogayn shir burburay oo ay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkan ayaa intaas ku sii daray, “LeadNow! waxay nasiib darro u arkaan in uusan jirin ilaa hadda heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu gaareen, iyadoo uu dhamaaday muddadii xil haynta Madaxda Dowladda Federalka. LeadNow!”

LeadNow ayaa sheegay inaysan aqbali karin wax kasta oo keeni kara in dalkaan lagu celiyo mugdi iyo burbur muddo soo daashaday, hindise iyo xeelad kasta oo lagu doonayo in dowladda hadda joogta ku samaysato muddo kordhin, doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhamayn, doorashooyin is barbar yaac ah.

Dhaq-dhaqaaqa LeadNow ayaa yiri “Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyanaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dib ugu soo laabto shirkii hordhaca ahaa ee u socday dhinacyada iska soo horjeeda si halkaas looga sii wado wadahadallada ku aadan sidii loo gaari lahaa doorasho loo dhanyahay. Madaxweynuhu waa masuulka ugu sareeya Qaranka, waana masuuliyaddiisa in dalka doorasho ka dhacdo uuna ka fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada dalka iyo dadka.”

Intaas kadib agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku lifaaqay bayaanka LeadNow!, kuna weeraray LeadNow!.

“Soo jeedintiina ah in madaxweyne Famaajo uu xagal-daacibayo wada-hadallada doorashada waa mid aan loo qiil dayin. Horay ayaan u aragnay ujeedooyin siyaasadeed oo kuwan lamid ah oo guracan. Bulshada rayidka kaalin muhiim ah ayey cayaartaa xilliyada oo kale, waxaana idin weydiisaneynaa oo kaliya dhex-dhexaadnimo. Soomaaliya waa ay soo jeeddaa.”

War-saxaafadeedka LeadNow! Melena looguma xusin in Farmaajo xagal-daacinayo wada-hadallada doorashada, taasi oo dad badan ku dhalisay su’aalo ku saabsan sababta uu Cabdirashiid sidaas ugu qaatay.

Hoos ka eeg war-saxaafadeedka LeadNow.