XOG: Dowladda oo jartay LACAG ay qaadan jireen Xasan iyo Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in qeyb ka mid ah laga jartay lacago gunno ah oo ay qaadan jireen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ay bixin jirtay dowladda dhexe.

Lacagtan ayaa aheyd mid labada madaxweyne ama madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu dastuurka u ogolanayo, balse waxaa lacagtaas hadda qeyb kamid ah ka jartay Villa Somalia, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay maalmo ka hor, oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye, waxa uu ku sheegay in laga jartay qeyb kamid ah lacago ay xaq u lahaayeen islamarkaana ay qaadan jireen sanado ka hor.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta gunnooyinka ah laga jartay ciidankii la socday isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif.

Arrintaan ayuu ku micneeyay cunaqabatayn ka dhan ah madaxdii hore iyo sidoo kale in ay tahay daan-daansi ka dhan labadaan masuul oo dalka usoo shaqeeyay xili adag.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay oo ah kuwa culus maadaama uu cadeeyay mid kamid ah madaxdii hore.

Dowladda ayaa horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah labadan madaxweyne, waxaana ka mid ahaa in lagu xayiray garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena 19-kii Febraayo lagu weeraray hotelka Maa’ida ee Muqdisho, taasi oo uu Xasan Sheekh ku macneeyey “shirqool lagu dili rabay.”