Dr. Dustin Pfundheller: 10 sabab oo kugu qasbaya inaad booqatid Soomaaliya

Sedex jeer oo aan booqday Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan xaqiiqsaday in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si cadaalad ahayn ama wanaagsaneyn ay ula dhaqmaan warbaahinta caalamka ayagoo sawir qaldan ka gudbiya, waxayna warbaahinta si joogto ah usoo bandhigtaa waxyaabaha xun xun ee dadka Soomaaliyeed . Waana sababta keentay inaan muuqaalkaan sameeyo, waxaana doonayaa waxyaabaha wanaagsan inaan dadka tuso oo aad arki kartid ama baran kartid marka aad Soomaaliya booqatid. Haddaba waa kuwaan 10-ka sababood ee kugu qasbayo inaad Soomaaliya booqatid:

10- Soomaaliya waxay leedahay ama heysataa Tiknoolijiyad horumarsan: Waa macquul inaad arrinkan la yaabtid, balse waxaan mar booqday dalka Japan, waxaana ka waayay ama ku yar nidaamka lacagaha habka Electronic ahaan loogu bixiyo. Laakiin Soomaaliya ma arkeysid qof lacag kaash ah wato qof walbo taleefoonkiisa ayuu lacagta ku sitaa, muhiimna maahan taleefoonkaaga inuu casri yahay, sidoo kalana waxay  lacagaha biilashooda ku bixiyaan hab mobile ah. Xitaa dadka waddooyinka wax ku iibiya ayaa adeegsada habkaan.

Sidoo kalena waxay leeyihiin bangiyo lacagta looga bixiyo hab Electronic ah. Weliba 5-sano ka hor xitaa mar aan booqday Soomaaliya sidaan ayay u hormasaneyd.

9- Barro waxa nolosha u muhiim ah: madaama aan ku dhashay kuna soo bar baaray reer galbeedka waxaan aaminsanahay dhaqan ahaan haddii aan lacag badan sameeyo inaan farxad badan helaayo. Laakiin Soomaaliya arinkaas muhiim kama ahan waxaa muhiim ah inaa qof wanaagsan tahay, dadka u naxariisto, saaxiib ka dhigto dadka eheladiisa ka warhaayo. Sidoo kalena Soomaalida waxay jecel yihiin kaftanka iyo sheekada madaama aad u jecel yihiin inay qoslaan sidaa darteed dhamaanteen reer galbeed ahaan Soomaaliya waxaan ka baran karnaa waxa nolosha muhiim u tahay.

8- Barro in cudurka HIV yahay wax dhaqanka la xariira balse jinsiga la xariirin:

Waxaad arki kartaa dalal badan oo Afrikaan ah inuu aad ugu badan yahay qaadista cudurka HIV, waa arrin aad u dhib badan, sidoo kalena Dunida sida guud markaad u fiirisid waxaa arki kartaa dad badan oo maddoow ah oo xanuunkan hayo sida Bahamas iyo Haiti. Sidaa darteed waxaad ku fikiri kartaa in HIV iyo dadka maddow-ga ah la isugu tala galay.

Laakiin Soomaaliya arrinka sidaas ma ahan, waxay ka mid yihiin dalalka tirada ugu yar HIV-ga asiibay, haddii aadan ogeyn Soomaaliya waa dad maddow ah sidaa darteed cudurkan jinsiga shaqo kuma lahan ee dhaqanka dadka ayuu la xariiraa, marka dad badan sida Soomaalida camal hadday u dhaqmi lahaayeen HIV dhibaato kuma noqon laheyn dunidan.

7- Caawinta Soomaalida: Inta badan waxaad arki kartaa ganacsiyada Soomaaliya ka jira inay maamulaan qoysas iska tababar yar dhaqaale ahaan, laakiin dunida reer galbeedka wey ka duwan tahay, waxaa ka jiraan oo kaliya shirkado waaweyn oo is baheystay. Laakiin Soomaaliya waxaad arkeysaa hooyo ama aabo dukaamo yar yar iska leh shaqaalo yar yar u adeegayaan, marka haddii aan dalxiisayaal nahay dad kala duwan ayaan la fal galnaa. Ganacsi ahaan hotel-ka aad jiifaneysid dad ayaa kaa kireenayo, waardiyayaasha magaalada ku geynaya lacag ayaa siineysaa , dukaamada ayaad wax kasoo gadaneysaa, dhammaan lacagahaas waxay dib ugu laabaneysaa ganacsiyada yar yare ee gudaha Soomaaliya ka jira, waana habka ugu wanaagsan ee wadan faqrinimo kaga bixi karo kadibna dhaqaalaha guud sii caawin kara.

Xittaa mid ka mid ah saaxiibadeyda Soomaliya igu soo dhaweeyay wuxuu furtay shirkad dalxiisayaasha soo dhaweyso waana arrin wanaagsan. Sidaa darteed marwalbo oo ay dalxiisayaasha Soomaaliya kusoo bataan waa marwalbo oo dalka sii hagaagayo, waxayna caawinayaan inay dhaqaalaha maalgashi ku sameeyaan

6- Baro in Muslimiinta asal ahaan dad kala duwan kasoo jeedaan: Marka aan Mareykanka joogno inta badan waxaan aragnaa ama aan qabnaa aragti ah in Muslimiinta yihiin dadka ku nool Iran, Syria ama bariga dhexe, waana sawirka aan ka heysanay Muslimiinta. Laakiin marka aan Soomaaliya tagay waxaan arkay waddan dhan oo Afrikaan ah dadkiisa dhamaantooda Muslimiin yihiin, marka waxaan ogaaday xaqiiqada ah in Muslimiinta asal ahaan meelo kala duwan kasoo jeedaan oo Bariga dhexe kaliya ku nooleyn.

Sidaa darteed Muslimiinta waxay noqon karaan Asian, Maddow, Caddaan ama jinsi kasto, si kooban waxaa loo dhihi karaa qof kasta ayaa Muslim noqon karo.

5- Baro in kala duwanaasho weyn u dhaxeyso Afrikaanta: Madaama aan kusoo koray Ameyrika waxaan bartay dhaqamo kala duwan sida dhaqanka reer Yurub, Jarmal, Faransiis, Norway, Switzerland, Talyaani, Greece, waxaana ku baranay inay dhaqamo kala duwan iyo muuqaalo kala duwan leeyihiin. Laakiin Afrika waxaan u baranay Afrika inay tahay hal wadan oo kale dhaqan ahaan, mana aanan soo baranin dalalka kala duwan ee Afrikaanta ah dhaqamada ay leeyihiin, mararka qaar dalalka Afrikaanta waa isku dhaqamo sida Galbeedka Afrika oo kale, balse marka aad Soomaaliya joogtid wey ka duwan yihiin Afrikaanta kale. Dhaqankooda waa gaar Soomaalida, muuqaalkooda Afrikaanta kale uma eko, waxaana ogaaneysaa in Afrika oo idil inaysan isku mid ahayn.

4- Cun raashiinka cajiibka badan ee Soomaaliya yaalo: Marka aan Soomaaliya tagay waxaan kasoo helay waaya aragnimo  ku aadan inay jecel yihiin raashin inay isla cunaan, midda labaad ee aan ogaaday waxay tahay inay jecel yihiin inay raashiinka gacantooda ku cunaan, balse reer galbeed ahaan arrinkaas waan la yaabnaa, laakiin waa arrin muhiim ah inaad saaxiibadaada ama qoysaskaaga wax la cuntid oo aad la falgashid, waa labada arrin ee ugu horeyso oo aan rabay inaan ka hadlo ka hor inta aan cunadooda ka sheekeyn.

Cuntada Soomaaliya laga cunio waa cunno cajiib ah, waxaan soo qaadan karaa Canjeero, Sambuuska, Hilib Geelka iyo bariiska, ma aqaan si aan u sharxo wax walbo oo aan cunay intaan joogay Soomaaliya balse waxaan dhihi karaa raashiinka Soomaalida waa isku geynta raashiinka laga cuno Bariga Afrika, Yemen, Carabta iyo Hindiyaanka laakiin Soomaaliya raashiinkooda lama gaaro.

3- Ogow quruxda Soomaaliya leedahay: Soomaaliya aad ayay u qurux badan tahay waxayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxay leedahay dhul saxaro lama dagaan qurux badan ah, dooxooyin, wabiyo iyo buuro wuxuuna u sameysan yahay dhulka Soomaaliya si cajiib badan, marka waa inaad booqataa si aad usoo aragtid.

2- Soomaaliya ma ahan meel halis badan: Haddii aad weydiisid qof kasto oo dunida ku nool shanta wadan ee ugu halista badan caalamka waa qasab in liiska Soomaaliya lagu soo daro, ma aysan ku saleynin arrinkaan xog aruurin iyo xaqiiqo dhab ah, balse waxay ku saleenayaan xogaha warbaahinta usoo gudbiso. Laakiin marka aad fiirisid xogaha rasmiga ah ee diiwaan gashan Mareykanka ayaa ka halis badan Soomaaliya.

Sidoo kalena kummanaan dalxiisayaal ah ayaa sanad walbo booqda US Virgin Island haddane 10-jeer ayay ka halis badan yihiin Soomaaliya jaziiradahaas. Haddaba maxaa Soomaaliya si qaldan marwalbo loogu eedeeyaa?.

Midda kowaad waxay tahay warbaahinta sawirka qaldan oo ay ka gudbiso Soomaaliya. Marka ay wax ka dhacaan Soomaaliya warbaahinta wey buun buunisaa laakiin marka ay wax qaldan ka dhacaan USA, Laatiin Ameerika ama Caribbean-ka cid sheeg sheegto malahan aqbaartooda marka si cadaalad daro ah ayaa Soomaaliya loola dhaqmaa dhanka warbaahinta.

Midda labaad waa midib kala sooca la isku sameeyo, waxaa xusid mudan in ka badan 18-wadan oo Caribbean-ka ku yaala ayaa ka halis badan Soomaaliya haddane sidaas oo ay tahay kummanaan dalxiisayaal ah ayaa sanad walbo aada jaziiradaha ku yaalo Caribbeans-ka  haddane wey ka cabsadaan inay Soomaaliya soo aadaan.

1- Arag runta Soomaaliya taalla: Inta badan joornaalistayaasha ajaanibta ah ee Soomaaliya soo booqda ma rabo inaan fuquuq sameeyo balse joornaalistayaasha caddaanka ah waxay si gaar ah u baadi goobaan waxa xun ee Soomaaliya ka jiro.

Waxaan shaqsiyan aqaan qof Soomaaliya booqday oo aan wax dhibaato ah la kulmin, kadibna wuxuu qoray halista uu la kulmay marka uu halkaas booqday, wuxuuna qof walbo kula taliyay inuusan Soomaaliya aadin, iyadoo aysan jirin wax dhib ah oo qabsaday xataa aniga ma maqlin dalxiise dhibaato ku dhacday, waana arrin ku niyad jebineyso waxa ay joornaalistayaasha sameenayaan.

Waxaan ogahay haddii ay wax fiican Soomaaliya ka qoraan inaysan dadka soo jiidan karin, sidaa darteed warbixin xun ayay Soomaaliya ka qoraan si ay lacag badan kaga sameeyaan, sidaa darteed joornaalistayaasha kama fikiraan dadka Soomaaliyeed waxay kaliya ka fikiraan nafsadooda iyo danahooda ganacsi taasoo ku kaliftay inay Soomaaliya ka been sheegaan.

Haddii aadan i aamineyn, bal fiiri Muqdisho markii aad Google ku qortid oo Af Ingiriis dooratid kaliya waxaa kuu soo baxayo weeraro argagaxiso iyo waxyaabo badan oo laga naxayo, waa sida ay rabaan dunida reer Galbeedka ah inay Soomaaliya u ekeeto, waana sababta joornaalistayaasha Soomaaliya u imaadaan si ay sawir qaldan kaga bixiyaan.

Haddii aad Google ku qortid Muqdisho kadibna luuqadda Af Soomaaliga ah aad dooratid waxaad arkeysaa bilicda magaalada leedahay, dhismo qurux badan, nolol dagan oo caadi ah oo ay kala siman yihiin dalalka kale, waana sida ay dadka Soomaaliyeed dalkooda u arkaan mana ahan doqomo lagu qaldi karo warbixinada been abuurka ah, sababtoo ah maalin walbo ayay ku dhex nool yihiin dalkooda.

Dadka ka been sheegaan Soomaaliya waa kuwo aan waligood imaanin ama waa  joornaalistayaasha labo maalin joogeen dalka , marka waxaa wanaagsan inaad dhageysatid dadka ku nool Soomaaliya. Waa dal qurux badan oo wanaagsan waxaana ku ogaan kartaa midaas inaad booqatid gudaha Soomaaliya.

Warbixintaan waxaa muuqaal ahaan u diyaariyey Dr. Dustin Pfundheller oo ah dhakhtar u dhashay dalka Mareykanka isla markaasna ku takhasusay Dentist kaasoo booqday dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, Markii ugu dambeysay oo uu Soomaaliya soo booqday waxay aheyd April 4 2017. Waxaana qoraal ahaan usoo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu diyaariyey Dr. Dustin Pfundheller oo English