Villa Somalia oo markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadii BOOSAASO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu ka hadlo go’aankii garoonka Boosaaso looga celiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

“Waxaa muhiim ah in Madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland wax lag weeydiiyo,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar.

Sidoo kale waxa uu Afhayeenka cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maalin ka hor lagu weeraray Hotel ku yaalla magaalada Jowhar oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan maamulka HirShabelle.

Afhayeenka ayaa u tacsiyadeeyay dadkii qaraxaasi ku dhintay, isaga oo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay, islamarkaana sheegay in madaxtooyada Soomaaliya aad uga xun tahay weerarkaasi qaraxa ah oo ay geysteen Ururka Al-Shabaab.

Qaraxa Jowhar ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhaawaca ah ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.