Magacyada xubnaha UPD ee la filayo inay xukuumadda kamid noqdaan iyo xilalka

Muqdisho ( Caasimada Online) – Halganka loogu jiro kamid noqoshada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa ka socda caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaa socdo la-tashiyadii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuumadda cusub.

Inta u dhaxeysa 20-ka illaa 25-ka bishaan ayaa la shaacin doonaa liiska xukuumadda cusub sida aan xogta ku helnay.

Dadka sida weyn isha loogu wada hayo fursadooda xukuumadda waxaa kamid ah xubnaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixintaan waxaan kaga hadleynaa xubnaha ugu cad cad inay ka yimaadaan dhanka xisbiga UPD ama haysta fursad ka badan 60% si ay uga mid noqdaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Aad ayey u badan yihiin dadka wax raadinaya ee xisbigaan ka tirsan laakiin looma badinayo inuu ra’isulwasaare Xamza dhisi doono xukuumad wada UPD ah.

Haddaba waa kuwan shaqsiyaadka ugu rajada badan

  1. Axmed Macalin Fiqi

Xildhibaan, safiir, wasiir iyo taliye hore oo kamid ah xisbigaa UPD Axmed Macalin Fiqi waxaa loo arkaa inuu hoggaaminayo dadka haysta fursadda ugu xooggan ee kamid noqoshada xukuumadda cusub.

Fiqi waxaa isaga la sheegay inuu rabay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada laakiin xisaab aheyd inay beesha Habar-gidir ay hesho laba wasiir oo B ah ayaa hadda u muuqata mid aan suurta geli karin, waxayna taasi keeneysaa in reerkaasi la siiyo hal wasiir oo A ah oo xooggan, wuxuuna noqon karaa wasiirka arrimha gudaha.

  1. Xasan Macalin

Wasiir iyo xildhibaan hore Xasan Macallin wuxuu ku jiraa dadka ka tirsan xisbiga UPD ee ugu cad cad kamid noqoshada xukuumadda cusub. Xasan Macaliln oo xoogaa ciriiri ah kala kulmayey Cabdiraxmaan Caynte iyo xildhibaan Xuseen Iidow ayaa hadda la sheegayaa in rajadiisa xooggan tahay.

Illo-wareedyo ka tirsan xisbiga UPD waxay noo sheegeen inuu Xasan Macallin rabo in laga dhigo wasiirka cadaaladda, laakiin lama hubo inuu isla wasaaradaas heli doono waxaase xooggan fursadiisa kamid noqoshada xukuumadda.

  1. Xildhibaan Beene Beene

Ninkaan oo kamid ahaa xubnaha UPD ee dib usoo helay kuraastooda xildhibaanimada culeys badan ma heysto. Gudaha UPD waxaa laga soo wariyey inuu dalbaday wasiirka qorsheynta laakiin uma badna inuu heli doono.

Dadka qaarkiis waxay sheegayaan inay macquul tahay in la siiyo wasaaradda caafimaadka. Si kastaba ha ahaatee waxay u badan tahay inuu wasaarad un heli doono.

  1. Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Xildhibaan iyo wasiir hore Faarax Shiikh Cabdulqaadir wuxuu kamid yahay xubnaha maskaxda u ah kooxda UPD. Cilaaqaadka rubac qarniga ah ee isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoos u dhigaya in xukuumadda laga weyn karo.

Ilaha xogtaan dusiyey waxay Faarax siiyeen rajo aad u xooggan oo uu kaga soo muuqan karo xukuumadda soo socota.

Laba wasaaradood ayaa la hadal hayaa inuu midkood qaadan doono, mid waa wasaaradda Batroolka midna waa wasaaradda waxbarashada.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir wuxuu inta badan waqtigiisa geliyey arrimaha waxbarashada, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu wasaaradaas qabto inuu wax badan oo horumar ah ku siyaadin karo waxbarashada dalka.

  1. Cabdirisaaq iyo Sanbaloolshe

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya iyo xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo isku xisaab ah waxay ku loolamayaan wasiirka beeshooda.

Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga UPD, wasiirka labadooda ma dhaafi doono, mid gudaha kooxda ayuu ku xooggan yahay midna dhanka dadweynaha.

  1. Axmed Xasan

Ninkaan waa xog-hayihii maaliyadda ee xisbiga UPD, waxaa la filayaa inuu xukuumadda cusub kamid noqdo, taasoo meesha ka saareysa Cabdullaahi Carab wasiirka waxbarashada ee xilligaan kaasoo aad ugu dhawaa ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Marka laga hadlayo gudaha xisbiga UPD, xubnahaan ayaa illaa iyo hadda heysta rajada ugu badan ee kamid noqoshada xukuumadda cusub.

Waxaa jiro iyaguna dad kale oo wax raadinaya balse kuwaas rajadooda ma buurna.