28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Villa Somalia oo raadineysa wiil shimbir bad-baadiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baadi goobeysa wiil dhalinyaro ah oo todobaadkii hore shimbir badbaadiyay, xili uu kusugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo muujinaya in la baadi goobayo wiilka dhalinyarada ah.

Isaga oo soo bandhigay muuqaalka wiilka dhalinyarada oo shimbirka badbaadinaya ayuu soo qoray “Reer Gaalkacyo ???Wiilkan yaa garanaya”.

Wiilkaan ayaa shimbirta badbaadiyay kadib markii ay koronto ku qabsatay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Caasimadda Online ayaana baahisay muuqaalka, iyadoo uu qabsaday baraha Bulshada.

Madaxtooyada ma aysan sheegin ujeedada loo baadi goobaya wiilka dhalinyrada ee shimbirta badbaadiyay..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News