Villa Somalia oo shaacisay 3 arrin Xasan Sheekh uu kala hadli doono SISI + Sawirro

Qaahira (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay uga billaabatay. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Qaahira si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. 

Sida ay shaacisay Villa Somalia, madaxweyne Xasan ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuwaasi oo diiradda lagu saari doonoa saddex qoodb oo kala ah;

1- Iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee labada dal.
2- La dagaalanka argagixisada.
3- Iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada Soomaaliya.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu sidoo kale kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.  

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Sida aan xogta ku helnay, Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuumadda usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay, ayada oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aheyd neef weyn oo kasoo fuqday. 

Masar ayey isku xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo kadib markii uu doortay inuu Itoobiya kala safto, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

Booqasha Masar ayaa noqon doonta tii 7-aad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dibedda ku aado tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May kadib Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania. 

Hoos ka daawo Sawirrada