Cumaan oo go’aan ka soo saartay kiiskii dhuxusha ee loo heystay wasiir Cabdisaciid

Muscat (Caasimada Online)- Maxkamadda Sare ee dalka Cumaan ayaa go’aan ka soo saartay kiiska Markabkii Dhuxusha siday ee lagu eedeeyey inay fasaxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa cadeysay in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali uusan wax lug ah ku laheyn Markabkii Dhuxusha ka dhoofiyey Soomaaliya ee lagu xanibay dalkaas Cumaan.

Sidoo kale Maxkamaddu waxay cadeysay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aysan lug ku laheyn qorshihii markii dambe lagu fasaxay Markabkii siday Dhuxusha laga dhoofiyey Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu cadeeyey baaritaan dheer kadib, in la waayay wax cadeyn ah oo muujinaya in Wasiir Cabdisaciid uu bixiyay wax un ogolaansho ah oo lagu fasaxay Markabkii Dhuxusha ka dhoofiyay Soomaaliya.

Bishii May ayaa shaqada laga joojiyey wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo xiligaas xafiiska joogay ayaa Hantidhawrka Qaranka iyo hey’adaha amniga faray in baaris lagu sameeyo falka lagu eedeeyey Wasiir Cabdisaciid Muuse.

Xiligaas waxaa la baahiyey warqado lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay u dirtay safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, kuwaas oo lagu fasaxayo Markabkii dhuxusha siday.

Hasa yeeshee maxkamadda sare ee dalka Cumaan ayaa hadda laashay xukun ay maxkamad hoose ku riday seddax qof oo lagu eedeeyey inay Cumaan u dhoofi jireen Dhuxusha Soomaaliya.