Daawo: Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhoweeyey madaxtooyada Masar?

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku joogo dalka Masar ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey isaga iyo wafdigiisa qasriga madaxtooyada dalkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa qaabilay dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-siisi oo si diiran ugu soo dhoweeyey dhismaha madaxtooyada.

Labada madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Masar, gaar ahaan kuwa ka howlgala madaxtooyada oo loo diyaariyey soo dhoweynta wafdiga Xasan.

Intaas, kadib labada madaxweyne ayaa guda-galay wada-hadalladooda ku aadan xoojjinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, madaxweyne Xasan ayaa dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-siisi, kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuwaasi oo diiradda lagu saari doonoa saddex qoodb oo kala ah;

1- Iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee labada dal.
2- La dagaalanka argagixisada.
3- Iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu sidoo kale kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqasha Masar ayaa ah tii 7-aad ee madaxweyne Xasan uu dibedda ku aado tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania.