Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar + Sawirro

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa xalay magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.  

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Sida ay shaacisay Villa Somalia, madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, oo ay yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuwaasi oo diiradda lagu saari doonoa saddex qoodb oo kala ah;

1- Iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee labada dal.
2- La dagaalanka argagixisada.
3- Iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada Soomaaliya.  

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Farmaajo ayaa doortay inuu Masar kala safto Itoobiya, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

Sawirrada kulanka Xasan Sheekh iyo Cabdiqaasim