Askari loo maxkamadeynayo dilka taliye ka tirsanaa NISA iyo gabar walaashiis aheyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta 21-aad ayaa u fariisatay kiiska Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaasi oo ku eedeysan dilka Taliye ku-xigeenkii ciidanka NISA ee gobolka Galgaduud iyo Walaashiis

Askariga loo haysto dilka oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Aadan Ciise ayaa intii ay socotay dhageysiga dacwadiisa waxay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 21-aad ay soo bandhitay cadeymo muujinaya in uu ka dambeeyay dilka Taliye ku-xigeenkiisa Ciidanka NISA, Faarax Cumar Geelle (Beyr) iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Sidoo kale Axmed Cabdi ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu ka dambeeyay dilka labada ruux.

Qareenka iyo Abuukaataha oo iyana goobta Maxkamadeynta ka hadlay ayaa dhankooda dalbaday in Askariga lagu xukumo qisaastii Geelle, balse loo fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

Ugu dambeyntiina Maxkamadeynta Askariga loo haysto dilka ayaa la soo geba-gabeeyay, ayada oo Garsoorayaasha sheegeen inay dib kasoo sheegi doonaan go’aanka maxkamadda.