Villa Somalia oo shaacisay tirada ciidamo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada deriska.

Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda, saanadooda iyo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixineyso, si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado dalka.

“Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caasimadda ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka noqdeen soonkii ugu horreeyay.”

Si kastaba, Ciidankan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku rabto inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iyada oo ciidanka ATMIS ay qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka.