Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Madaale iyo Kiki Gbheno?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u amaanay guddoomiyaha gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida amniga Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kulankan loogu hadlay xal u helida arrimaha barakacayaasha maadaama magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka abaareed iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan xafiiska UNSOM oo ay horkaceysay Marwo Kiki Gbeho, Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw maamulka gobolka Banaadir kala shaqeyn doonaan arrimaha horumarka caasimadda iyo dib-u-dhiska, iyaga oo soo dhaweeyay qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in isku tashiga bulsho uu yahay mid wax weyn ka badali kara ku tiirsanaashiyaha gacmo kale.

Sidoo kale waxay maanta ka qeyb qaadatay barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar, iyada oo ballan-qaaday inay xoojin doonto wada-shaqeynta Xafiisyada QM iyo kan maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib 4-tii bishaan si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”.