CIISE Faarax Maxamed oo geeriyooday iyo DF oo war kasoo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste qoraa sare Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo kamid ahaa shaqaalaha awasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Marxuumka ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna markii ugu dambeysay ka howl-galayay wargeyska dalka, oo uu ka ahaan jiray tifaftire, sidoo kale waxa uu kamid ahaa rug-cadaayaasha saxaafadeed ee Soomaaliya, wuxuuna muddo fog ka shaqeeynaayay Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, oo hadda loo yaqaan wargeyska dalka.

Marxuumka ayaa markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee dalka 1991-kii ayna burburtay xukuumaddii dhexe, waxa uu sii watay howshiisa Suxufinimo, waxa uuna wax ku qori jiray Wargeysyadii xilligaasi ka soo  bixi jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wargeysyada Qaran, Xog ogaal iyo Ayaamaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Da’uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ciise Faarax, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo kaalin weyn kasoo qaatey horumarinta saxaafadda dalka.

“Aniga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hawlwadeennada kala duwan ee wasaaradda waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo muddo dheer wasaaradda ka soo hawl-galey,” ayuu yiri wasiir Da’uud.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Ciise Faarax waxa uu ka mid ahaa tiirarkii wargeyska afka dowladda ku hadla iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA, wuxuuna kaalin weyn ka soo qaatey horumarinta saxaafadda dalka.”

Wasiirka ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehaladii iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.

Allaha unaxariiste Marxuum Ciise Faarax ayaa waxa uu shaqaynayay illaa sanadkii 2017, isaga oo qori jiray maqaallo badan, kuwaasi oo si gaar ah uga hadli jiray arrimaha bulshada iyo siyaasadda, illaa  markii dambe uu  sidaa ku noqday howl-gab u soo adeegay qarankiisa.