Somaliland oo toogasho ku xukuntay askari dilay taliyihiisii

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Arbacadii loo gaystay allaha u naxariistii taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe, kaas oo caro xoogan ka dhaliyay deegaanada maamulkaas.

Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo isna ka tirsan ciidamadda Badda ee Somaliland, isla-markaana loo haystay dilka taliyihiisii.

Dhageysiga dheer kadib ayaa waxaa eedeysanaha maanta lagu xukumay dil toogasho oo ah qasaasta marxuumka uu horay u dilay oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka xeebaha.

Dilkaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Lawyocaddo, waxaana xukunka maanta aad usoo dhoweeyay ehellada taliyihii la dilay.

Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Ehellada ayaa dhankood dalbanayay in la isla aaso labada ruux, waa marxuumka iyo asakriga dilka geystay oo ugu dambeyn maanta lagu helay dilka, laguna riday toogasho.

Tallaabada deg degga ah ee ay qaaday maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale qaboojineyso carada iyo xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi.

Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada.