Maamulka Hiiraan oo xayiraad kusoo rogay deegaano ay maamulaan Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan,  Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi jarin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maanta kadib aan la arki karin gaari raashin sida, ama shidaal oo u safraya deegaannada ku yaala hareeraha wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan gaadiidleyda ku xad-gudba amarkaasi, isla-markaana ay la wareegi doono gaariga iyo wixii saaran.

Jayte ayaa amar buuxa siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaankam isaga oo faray inay dhaqan-geliyaan go’aanka xayiraadda ah ee uu maanta soo saaray.

“Ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shabaab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ee khawaarijta Saadka u geeya, qof walba haatan gaarigiisa ha ilaalaado” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Aniga beer ayaan ku leeyahay degmada Halgan, mana tacban karo marka dadka shabaab dhexdiisa beeraha ku tacbana sow shabaab kalkaaal mahan”.

Dhanka kale go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan karo haddii uu hirgalo xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ku sugan jiinga wabiga Shabelle ee duleedka Beledweyne.

Galbeedka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.