Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbixin cusub kasoo saartay socdaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo dalka Eritrea, kaasi oo qaadan doona afar maalmood.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.” 

“Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada uu uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea, isaga oo xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan muuqooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan cududdooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.”