Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay xil-wareejinta madaxweyne ee berri

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay inay meel geba-gebo ah mareyso xaflada xil-wareejinta, taasi oo loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka socda Xasan iyo Farmaajo.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa sheegay in maalinta berri ah ay tahay maalinta rasmiga ah ee la qabanayo xaflada xil-wareejinta, taasi oo ku taariikheysan 23-ka bisha May.

“Guddiga waxa uu go’aamiyay maalinta Isniinta inay noqoto maalinta la qabanayo munaasibada xil wareejint, munaasibadaas oo ka qabsoomi doonta Madaxtooyada ayna xilka kula kala wareegi doonaan labada madaxweyne,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in xaflad xil-wareejinta ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Soomaaliyeed oo kaliya, islamarkaana aysan jirin mas’uuliyiin dalal shisheeye oo lagu casuumay.

“Xil-wareejinta waxa kasoo qeyb-gali doonta madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada, haddii ay ahaan laheyd madaxda dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada, Guddoonka baarlamaanka, xukuumadda wey kasoo qeyb-gali doonta.”

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay sida wada-jir ah kormeer ugu sameeyen Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Si kastaba, Arrintan ayaa soo gaba-gabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, oo lagaga adkaaday doorashadii 15-ka May ee ka dhacday teendhada Afiysoone.