27.5 C
Mogadishu
Thursday, April 9, 2026

Villa Somalia oo xog cusub ka bixisay qorshaha Xasan Sheekh ee Koonfur Galbeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kadib markii ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay dhammaadkii bishii Maarso la wareegeen magaalada, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray dhinacyadii iska hor yimid.

Masuuliyiinta gaaray Baydhaba waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo maalintii saddexaad ku sugan Baydhaba, uu halkaas kulamo kula qaatay masuuliyiin dowladda ka tirsan, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Ujeedka ugu weyn wuxuu ahaa in la xoojiyo ammaanka Baydhaba. Sidoo kale waxaa muhiim ahaa in bulshada la wacyi-geliyo, isla markaana la dardargeliyo hanaanka doorashada la qorsheynayo, maadaama tii ugu horreysay lagu qabtay Muqdisho, tan xigtana la doonayo in laga hirgeliyo Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Xadaana.

Dowladda federaalka ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, u magacowday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, isagoo xilka hayn doona inta laga qabanayo doorasho toos ah oo ay dowladda federaalku qorsheyneyso.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabista maamulka kumeel-gaarka ah ay timid kadib markii uu meesha ka baxay hoggaankii hore ee maamulka, taasoo abuurtay baahi loo qabo maamul fududeeya geeddi-socodka kala guurka.

“Runtii maamulka kumeel-gaarka ah waxaa loo baahday markii uu meesha ka baxay maamulkii hore. Waxaa loo baahan yahay cid ka shaqeysa amniga, cid fududeysa howlaha doorashada iyo arrimaha maamulka inta lagu guda jiro kala guurka. Waa maamul kumeel-gaar ah oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo hannaan ay si dhab ah ugu doortaan cidda ay doonayaan. Ma aha maamul sii jiri doona muddo dheer ama sanado badan,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada.

Mar la weydiiyay xaaladda amni ee magaalada iyo falalkii amni darrada ahaa ee dhawaan laga soo sheegay, Xadaana wuxuu sheegay in Baydhaba markii hore ahayd magaalo amni ah, balse kooxo uu ku tilmaamay dhagar-qabayaal ay ka faa’iideysteen firaaqii ka dhashay markii nidaamkii hore meesha ka baxay.

“Baydhaba markii horeba amni ayay ahayd. Maalmihii u dambeeyey, markii nidaamku meesha ka baxay, kooxo dhagar-qabayaal ah ayaa ka faa’iideystay firaaqaasi. Laakiin ciidamada ammaanka ayaa arrintaas ka shaqeeyey, waxayna soo qabqabteen dadkii ku lugta lahaa xad-gudubyadaas,” ayuu yiri afhayeenku.

 

- Advertisement -

Read more

Local News