Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinaca difaaca iyo soo saarka hubka, kaasi oo Ankara gacan ka siinayso Soomaaliya.
Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo awood leh isla markaana isku filan. Labada dal ayaa horey u wada gaaray heshiisyo la xiriira tababarka ciidamada, qalabayntooda, sare u qaadista amniga iyo horumarinta tayada awoodda wax-soo-saarka qalabka ciidamada.
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa booqasho ku tegay mid kamid ah warshadaha waaweyn ee Turkiga u soo saara hubka iyo qalabka ciidamada, taas oo la aas-aasay sanadkii 1453-kii.
Booqashada wafdiga Soomaaliya ayaa la xiriirtay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca warshadaha hubka, loona sahmin lahaa suurtagalnimada in Soomaaliya ay mustaqbalka yeelato awood ay ku soo saarto qaar kamid ah qalabka ciidamada.
Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa warbixino ka dhageystay maamulka warshadda, iyagoo soo bandhigay qorshayaasha la xiriira horumarinta ciidamada Soomaaliya.
Iskaashiga labada dowladood ayaa durba dhaliyay horumar muuqda oo laga sameeyay dhinaca tayeynta iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya keenay diyaarado casri ah, gaadiid ciidan iyo qalab kale oo militari oo lagu farsameeyay dalkaas.
Sidoo kale, Turkiga ayaa door weyn ka qaatay tababarka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kumaandooska Gorgor iyo ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo hadda ka mid ah ciidamada ugu tayada wanaagsan Soomaaliya, isla markaana adeegsada hub iyo qalab ciidan oo ay soo saareen warshadaha Turkiga.
Iskaashigan ayaa sidoo kale ku fiday dhinacyada ciidamada badda iyo cirka, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya ka taageerayo tababarka ciidamo awood u leh inay ka howlgalaan maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha militari, si dib loogu soo celiyo awooddii ciidan ee Soomaaliya ay ku lahayd badda iyo cirka.
Mas’uuliyiinta warshadda hubka ee Turkiga ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan iskaashiga ay la leeyihiin dhiggooda Soomaaliya, iyagoo xusay in hadafka ugu weyn uu yahay in Soomaaliya ay mustaqbalka yeelato awood ay ku soo saarto qayb kamid ah hubka iyo qalabka ciidamada, taas oo ka dhigi karta dal si weyn ugu horumara dhinaca difaaca.
Iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa noqday mid si isa soo taraya u kobcaya sanadihii la soo dhaafay, waxaana la rumeysan yahay in haddii uu sidaan ku sii socdo uu Soomaaliya ka caawin karo dib u dhiska awoodda ciidamadeeda iyo in ay gaarto isku filnaansho dhinaca qalabka iyo tiknoolajiyadda ciidamada.



