28.2 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Odayaasha Koonfur Galbeed oo qeyb ka noqday qorshaha Xasan – Maxaa cusub?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka guud ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka madaxweynaha iyo hoggaanka guud ee dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyo dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, gaar ahaan doorashooyinka maamulka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, gurmadka abaaraha iyo kaalinta ddayaasha dhaqanka ee dowlad-dhiska iyo la-dagaallanka argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka la wadaagay muhiimadda ay leedahay in ay door firfircoon ka qaataan dadaallada dalka looga hirgalinayo doorashooyinka qof iyo cod, si shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in ay doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale odayaasha ku bogaadiyey doorkooda togan ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa madaxweynaha ugu mahad-celiyay booqashadiisa Koonfur Galbeed waqtigan kala guurka ah ayaa si buuxda u taageeray qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Odayaasha dhaqanka guud ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo muujiyey diyaar-garowgooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo ka qayb qaadashada xaqiijinta in talada dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News