29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

DF oo soo saartay amar Baydhaba looga mamnuucayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray amar cusub oo ku saabsan amniga magaalada Baydhaba, kaas oo si cad u mamnuucaya in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada

Ciidanka amniga ee loo igmaday sugidda nabad-gelyada iyo madaxda dowladda ee keliya loo ogol yahay inay hub mu dhex qaadan karaannmagaalada, sida lagu xusay amarkan cusub oo kasoo baxay kulan muhiim ah oo ka dhacay Baydhaba.

Kulankan ayuu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi uu magaalada Baydhaba kula qaatay dhammaan saraakiisha ciidanka booliska ee ka howlgala caasimadda KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga, iyadoo la falanqeeyay isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed iyo saameynta ay ku yeelan karaan nabadgelyada caasimadda, oo ah xarun muhiim u ah maamulka.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa saraakiisha faray in la kordhiyo feejignaanta amni, lana xoojiyo howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago falal amni-darro oo suurtagal ah, xilli magaalada ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Taliye Asad Diyaano ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxeysa laamaha kala duwan ee amniga, sida booliska, nabad-sugidda iyo ciidanka xoogga dalka, si loo helo isku xirnaan amni oo wax ku ool ah.

Amarka lagu mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo amniga Baydhaba, gaar ahaan xilligan ay magaalada ka socdaan kulamo siyaasadeed oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, Taliska ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhaba inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka fogaadaan qaadashada hubka sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala dambeynta magaalada Baydhaba.

Go’aankan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay safar shaqo ku joogaan magaalada Baydhaba, halkaas oo ay ka wadaan kulamo la xiriira xaaladda kala guurka ee maamulka iyo arrimaha doorashada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News