Villa Soomaaliya oo xog ka bixisay kulanka maanta ee Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay safarka wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa Jabuuti u tegay si uu ula kulmo madaxweynaha Somaliland oo isna ka baxay magaalada Hargeysa, waxaana wada casuumay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Villa Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxa ay ku sheegtay in ujeedka kulankaas uu yahay dib u bilaabidda wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

“Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka kale Somaliland ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay ku sheegtay in wada-hadallada ay ku bilaabayaan heer madaxweyne oo labada dhinac ah, kadibna lasii wadi doono.

“Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal” ayaa lahu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Biixi isna waxaa wafdigiisa kamid ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.