Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay gawaari qalab siday qalab iyo siddeed qof oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.
Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa qabtay saddex gaaari oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo sidoo kale dadkii watay .
Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
“Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidookale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
NISA ayaa intaasi kusii dartay qalabkan loo waday kooxda Al-Shabaab, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
“Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-shabaab joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen al-shabaab si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Ciidamada ammaana ayaa sidaan oo kale horay gacanta ugu dhigay rag loo waday Al-Shaabaab iyo qaar kamid ah xaasaskooda, kadib howlgallo ka dhacay Shabeelooyinka.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada ee ka socda Muqdisho iyo deegaanada kale ee u dhow dhow.