Daawo Xasan Sheekh: Farxad ayey ii tahay inaan noqdo madaxweynihii u horeeyey ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan amnigiisa oo ay haatan la wareegeen ciidamada Soomaaliyeed, kadib markii ay dhowaan kala wareegeen ciidamada ATMIS.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in wax weyn ay uga dhigan tahay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay oo ay ilaaliyaan ciidamada Soomaaliyeed, kadib wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 oo dowaddii KMG ahayd lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

“Laga soo bilaabo 2000 ee Carte berigii Jamhuuriyadda saddexaad lagu soo aas aasay illaa maanta farxad ayay ii tahay, karaamo ayaa dareemayaa, weynaan in madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay muddadaas ee ciidan ajnabi ah aanu ilaalineyn oo wiilal Soomaaliyeed bis ay ilaalinayaan” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dareemayo amni buuxa iyo kalsooni, maadaama ay amnigiisa haatan sugayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Nasiib gaar ah oo uu Alle i siiyay, Ilaaheyna aan uga mahadcelinayo waayay, waxaan dareemayaa ammaan buuxa, kalsooni badan” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Dhanka kale, waxa uu u mahadceliyay ciiidamada howlgalka ATMIS ee mudddada dheer ka howlgalayay Soomaaliya, isaga oo sheegay inay u hayaan abaal-weyn.

“Ciidanka ATMIS ee AMISOM ahaan jiray ee 16 sano nala joogay aad iyo aad ayay Soomaaliya waxa ugu qabteen wiilal badan oo waddamada ciidamada noo soo diray kamid ah ayaa dalkan ku geeriyooday qaarkood aad nooga fog xuduudadhooda oo wax dano ah oo Soomaaliya ka leeyihiin aysna jrin” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Mar walba ciidankaas taariikhdeena ayuu kamid yahay, waana xusi doonaan, maankana waan ku heynaynaa, waana u abaal-gudeynaa”