“Waa been, Galayr uma ordin Ethiopia, wuxuu ku sugan yahay guri ku yaal…”

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo weerarkii ay Ciidamada Maamulka Somaliland ku qaaden Deegaanka Saax-dheer oo 70 km dhinaca koonfur galbeed uga beegan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa beeniyay Xildhibaan ka tirsan Maamulka Khaatumo.

Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka Khatumo, ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Saax-dheer.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Deegaanka Saax-dheer ay ka dhaceen iska hor imaad yar, iminkana ay gacanta ugu jirto Ciidamada Khatumo.

‘’Walaal waa been abuur wararka sheegaya in Saax-dheer gacanta ugu jirto Maamulka Somaliland, waxaa dhacay iska hor imaad yar laakin Ciidamadeenu magaarin heer ay Deegaanka faarujiyaan’’ Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac.

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in Cali Khaliif Galeyr iyo Mas’uuliyiin maamulkiisa ka tirsan ay u carareen dhanka Dowlad deegaanka Ethiopia, ayaa waxa uu warkaasi Xildhibaanku ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan sal iyo baar laheyn.

‘’ Waa been abuur wararka sheegaya in madaxdii Khaatumo ay ka taallaabeen Xuduudka Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cali Khaliif Galayr waxa uu hadda ku sugan yahay Guri ku yaalla Saax dheer’’ sidaa waxaa yiri Cali Muuse Aw Jaamac

Dhanka kale, wararka kaasi Khilaafsan ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin Deegaanka Saax dheer, waxaana la Tilmaamayaa in Halkaasi ay ku sugan yihiin Saraakiisha Militeriga Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com