Dhageyso Geedi: Waa been uma gacan galin SOMALILAND waxaan joogaa….”

Dubai (Caasimada Online) – Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa si kulul u beeniyey war ay Warbaahinta ka soo xigteen Maamulka Somaliland oo ay ku sheegteen inay dagaalkii Saax-dheer ku qabteen Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale.

Prof. Geeddi oo isagoo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay Idaacadda Dalsan Radio inuusan warka Somaliland waxba ka jirin, isla markaana uu ka xun yahay weerarkii lagu qaaday Deegaanka Saax-dheere ee lagu daadiyey dhiigga dad Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyey sida uu ku soo gaaray warka la xiriira inay Milliteriga Maamulka Somaliland gacanta ku dhigeen, waxa uu sheegay inay dad asxaabtiisa ah la soo xiriireen, isla markaana uu ka arkay qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka oo baahiyey warkaasi aan xaqiiqda ku fadhinin.

“Waxaa laga yaabaa inuu Sarkaalka, Kornel Dhunkaal gacanta ku dhigay nin kale oo aynu isku magac nahay, laakiin, Anigu ma ahi, waxaana haatan ku suganahay dalka Imaaaraadka Carabta” ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhinaca kale sheegay inuu ka xun yahay in xilligan mar kale uu dhiig Soomaaliyeed sii daato.

Beeninta Prof. Cali Geeddi ayaa soo baxday, kadib, markii ay Saraakiil ka tirsan Milliteriga Somaliland u sheegeen qaar ka mid ah Warbaahinta inay Ciiddankooda la wareegeen Deegaanka Saaxa-dheer, isla markaana ay gacanta ku dhigeen saddex Siyaasi oo uu ka mid ahaa Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale.

Dhageyso wareysiga Geedi ee idaacadda Dalsan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com