Qorshaha tegitaanka Kismaayo ee Col Bare Hiiraale oo ay xog kusoo korartay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay kaddib markii la sheegay in magaalada magaalada ay gaareyn wafdi isugu jirra wasiiro ka tirsan dowladda fedaraalka, wakiilo IGAD ka socda iyo korneel Barre Hiiraale kuwaasoo ka immaanaya deeganka Goobweyn oo dibadda ka ah magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale waxaa ka soo horreeyay saraakiil isaga mataleysa kuwaasoo diyaariyay goobta la dajinaayo Korneelka iyo ciidanka uu wato.

Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, ayaa soo sheegaya in magaalada uu ka muuqdo diyaar garow loogu jirro soo dhaweynta wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya Korneel Barre Aadan Shire.

Barre Hiiraale ayaa oggolaaday in uu ka qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee bisha soo socota ka furmaya magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in wax sharuud ah uusan ku xirin ka qeybgalka shirka Kismaayo.

Barre waxaa kaloo uu sheegay in aan la dhammeyn khilaafka kala dhexeeya isaga iyo maamulka Axmed Madoobe, waayo ayuu yiri labada dhinac waxaa dhexmaray dagaallo dad ay ku dhinteyn hantina lagu baabi’yay, waana in la qabtaa ayuu yiri shirweyne arrintaas lagu soo afjaraayo.

Immaatinka Barre Hiiraale Kismaayo waxaa ka dambeeyay markii magaalada Kismaayo ay gaareyn seddax wasiir oo ka tirsan xukuumadda fedaraalka iyo xubno ka tirsan IGAD kuwaasoo dedaalo xooggan ku bixiyay siddii Barre Hiiraale oo muddo sannad ah ku sugnaa deeganka Goobweyn dib loogu soo celin lahaa magaalada Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya Barre Hiiraale in loo magacaabi doono madaxweyne ku xigeenka koobaad ee maamulka Jubba marka uu dhammaado shirka bisha soo socota la qabanayo wuxuuna xilkaas ka badali doonaan Jeneraal Fartaag oo ay isku qabiil yihiin (Mareexaan).

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com